QAYBTA (1)
Waa sheeko kusaabsan gabar Russian oo kasoo jeeda qoys muxafid ah (radical, orthodex ah), aad iyo aad ugu adag diinta christianka.
Ganacsada Russian ah ayaa usoo jeediyey inaay uraacdo safar, ayada iyo gabdho kale oo lagu tagayo wadan kamid ah wadamada kaleejka(Gulf). Ujeeada wuxuu ugu sheegey inaay tijaaro loo baxayo.
Markii layimid wadankii loo socday, ayuu usheegey inaay jirto shaqo kale oo kafaa’ido badan tii loo yimid halkan. Wuxuu doonayo inaay howshaas qabtan. Jirkooda inaay kaganacsadan ayuu kuqasbey asagoo usoo bandhigey lacag aad iyo aad ufarabadan.
Gabdhihii intoodii kale waay waafaqeen ,marka lagareebo gabadhani oo iska soo taagtey diinteeda oon ogaleyn arintaan.
Ninkii ayaa kuqosley oo kuyiri jees-jees ahaan: “Wadankan ayaad kudhexdhumeysa… xageed kaheleysa waxaad cuntid, meel aad saaxatid. Anigana waxaan kusiinayo majiraan.”
Si’uu ugu dhiirigaliyo arintan ayuu ladajiyey ayada iyo gabdhiihii kale ee howshoodii sitoos ah ubilaabey, qolyar, wuxuuna kaqariyey passportigeedii.
Waxay kacodsatey inuu passport-keeda siiyo ama uu uceliyo wadankeedii haseyeeshe markasta wuxuu ugu jawaaba inuusan siineynin.
Maalinbay guriga ugu dhaqaaqdey baaris, ugu danbeyntiina waxay gacanta kudhigtey passportigeedii, isla markiina banaanka ayey usoo boodey ayadoo kuwareersan! Waxaan dharkeeda ka aheyn gacan kuma hayso…dhabanka ayey gacanta saartey!Cirka dheer dhul kaa dheer! qaraabo hasheegin iyo macrifo hasheegin! Waxaay cunto, lacag ay kusafarto, meel ay seexato midna gacan kuma hayso!
Waxaay bilowdey inaay eegto bidix iyo midig ayadoo wareersan oo garanla' meeshii ay kabilaabi laheyd!
Wiil dhalanyaro ah oo ay lasocdaan 3dumar ah ayaa halkan kasoo baxey. Dumarka waxay qabeen xijaab, wiilkana wuxu ula muuqdey qof mas’uul ah oo ay weydiisan karto inuu caawiyo.
Intey soo abaartey ayey kula hadashey afka Rushka haseyeeshe wuu kacudur daartey una sheegey inuusan fahmeynin luuqadeeda! Waxay weydiisey inuu fahmayo English, wuxuuna usheegey inuu yaqaan English!
Farxad iyo oohin kabacdi, ayey kutiri:
“Waxaan ahey gabar Russian ah”. Markey ugu sheekeysey dhibta haysato, ayey kacodsatey inaay gacan siiyaan inta ay kala xariireyso walaalaheed mudo 3beri ah.
Khalid oo ah wiilka gabdhaha lasocdey ayaa bilaabey inuu kala showro hooyadiis iyo walaalihiis wixii laga yeelilahaa gabadhaan. Waxaa lagayaaba inaay been sheegeyso oo ay dooneyso khiyaano… ama ay maagantahey amuur kale oo aanan fahmeynin… gabadhiina waay sugeysa ayadoo oyneysa. Ugu danbeyntii, waxaay go’aansadeen inaay guriga geeyaan waxay doonta hakuqaadate.
Waxay iskudeyday inaay laxariirto reerkoodii haseyeshe uma suurta galin oo dhamaan lineka wadankaas oo dhan ayaa kadhamanwayey mashquul. Saacad waliba way kucelisa…. wax hormarna malaha.
Waxaay ogaadeen Khalid iyo reerkooda inaay gabadhani Christian tahey, markas ayey go’aansadeen inaay unaxariistan si’ay diinta ugu soo dumaan. Niqaash iyo dood masuurto galeyso waayo xaalada ay kujirta uma saamaxeyso iyo ayadoo aaminsan inaay diinteeda oo kali ah saxtahey.
Mudo kabacdi,waxay kudhacday dabankii loo dhigey oo waxa cajiib galiyey sida ay usoo dhaweeyeen waayo waa dhaqan aan laga aqoon wadankeeda soo dhaweynta intaa le’eg.
Mar haddii aan lagala hadli karin diin, ayuu Khaliid aadey Islamic center, wuxuu ukeeney kutub kuqoran luuqadeeda. Kutubtii ayey akhrisey, waxay kureebtey raad oo waxaa kuqoran wixii ay ka aaminsaneyd Islamka wax kaduwan.
Waxay xaaladu sidaas ahataba, Allah wuxuu waafajiyey inaay muslimtay.Waxay bilowdey inaay xooga saarto barashada diinta islaamka iyo kudhaqankeeda.Waxaay uqaadatey sikawanaagsan sidii ay ugu dhaganeyd diinta christianka. Waxaay saaxibo kadhigatey dadka wanaagsan ee diinteeda ugu faa’ideynaya.Aqal gal iyo aroos.
Madama ay muslimtey ayey Khalid reerkoodii go’aansadeen inaay sii joogto wadanka. Khalid aya loo soo jeediyey inuu guursado. Meeshii ayey ku aqal galeen ilaa ay diinteeda kaxoogeysatey. Waxaay noqotey qof ihtimam gooni ah siiso kudhaqanka Aayadka iyo Axadiithta Rasuulka A.C.Wasalim.Maalin ayey uraacday ninkeeda Suuqa, waxaay isha kudhufatey naag wada xijaaban, xitaa indhaha… aad bay ula yaabtey waayo waxay aheyd markii ugu horeysey ee ay aragto naag wada xijaaban! “Maxaa dhacay oo ay islaantan sidan ugu labisantahey? Maciladbay hoosta kuleedahey oo aaney dooneynin in la’arko?” Ayey weydiisey Khalid; wuxuuna usheegey inuu yahey Xijaabka Islaamka ee Allah uu amrey dumarka.
Waxooga markay aamusneyd ayey tiri: “Waa kaas xijaabka Allah naga doona haddii aan dumar nahey miyaa? Laga bilaabo sacadan waa inaan sidaas ulabista waayo markaan galno dukamada dadka oo dhan ayaa isoo fiirinaya,waxay rabaan inay cad-cad ugoostan wajigeyga… waxaa layga rabaa ninkeyga oo kali ah inuu arko!… halkan kabiximayo anigoon ulabisan sida islaantaas oo kale, xageen ka iibsadaa?”
Khalid oo u arkayey inaay wali kucusubtahey diinta ayaa kula taliyey inaay iska sidato xijaabka wajiga furan ee ay hooyadiis iyo walalihiis wataan haseyeeshe waxaay ku adkeysatey inaay qaadato kan Allah uu ugu jecelyahey!
Waxaay iibsatey xijaabkii. Waxaay sare uqaadey barashada diinta ilaa ay dadkii oo dhami jeclaadeen.
Passportigeedii oo dhacay
Maalin ayey eegtey passport-keeda, mise waxyar ayaa ugu dhiman oo waa dhicitaan! Waxaa lagama maarman noqotey in lasoo cusboneysiyo! Waxa intaas kadaran, waa in lagu soo cusbooneysiiyo meeshii laga soo saarey oo ah magaaladii ay ku dhalatey.
Waxaay duruufta qasabtey in lasafro haddii kale joogitankeeda wadanka wuxu noqonaya sharci daro.
Khalid wuxu go’aansadey inuu raaco mar haddii aney dooneynin inaay safarta Muxram la’aan sida diinta kuqoran.Russian Airline iyo intii lasii socday.
Waxaay raceen Russian Airlina; ayadoo xiran xijaab kor iyo hoos ah, waxayna agfariisatey ninkeeda ayadoo kufaaneysa inaay xijaab Islam wadato.
“Waxaan kabaqaya in nalaga shakiyo xijaabkada awgiis” Ayuu yiri ninkeeda oo kahadlaya amaanka safarkooda. “Subxaanallahi, ma gaalo ayaan kabaqa oo Allah warkiisa dhagaha kaqabsada?! Waxay doonan hasheegan ”Ayey ugu jawaabtey ayadoo qiireysan, dhana kala yaaban sida uu ubaqayo ninkeda.
Dumarkii diyaarada kashaqeynayey ayaa bilabey inaay qeybiyaan cuntada; waxana kujira hilib doofar iyo Khamri. Dadkii ayaa khamriga ka dhergey; waxay bilaabeen inaay kujees-jeesan qoftan iyo waxa ay xirantahey ayagoo uheysta inaay gabar carrbeed tahey.
Khalid halkan ayuu yaabanyahey, dhan waxaa soo baxay wixii uu kabaqayey, dhana wax uu kafahmayo majirto waxa ay leeyihiin. Wuxuuse dareemey in ayaga lahaysto. Marka uu weydiya xaaskiisa waxa ay kuhadlayan, waxay tirahda: “Maya waxba ma’ah, waa sahal wax nagu dhacayo markaad dib ufiirisid tii lagu sameeyey saxaabada” Waxayna go’ansadeen inaay Samir xigsadaan inta uu dhamanaya safarka.
RUSSSIA MARKII LATAGEY
Khalid wuxuu uheystey markaay diyarada kadagaan inaay aadi doonan reerka xaaskiisa oo ay la joogi doonan ilaa ugu dhamaneyso howshooda; haseyeshe fikrada xaaskiisa aad ayuu ugu duwanaa oo waxay qorsheysey inaay hotel isaga dagaan marka hore kadibna ay ugu tagaan reerka salaan gaaban amaankooda awgiis waayo reerka masoo dhaweyn doona madama ay islamka gashey. “Runtii waan kuqancey fikradaas” Ayuu yiri Khalid oo howlaha safarka go’aansadey inuu kaga danbeeya xaaskiisa waayo waxaa lajooga wadankeeda; waxayna kireysanay hotel oo aan habeynkaas saaxaney.Xarunta passporada (magaladii ay kasoo qaadatey)
Subuxii ayaan isasiitaagney xarunta passporada si’aan udhameysano howshanadii. Waxan ugalney mid kamid ah shaqalihii meesha; wuxuu naweydiiyey passportigedii hore iyo sawirkeeda. Waxay soo saartey sawir cadaan iyo madow ah oo wajiga oo kali ah kamuuqda. “Sawirkan lama ogala. Waxan rabna sawir color ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato” Ayuu yiri ninkii meesha kashaqeynayey. Haseyeshe way diidey inaay siiso.
Markan isfahmi weyney, ayaan utagney shaqaale kale, hadana midkale…midkale… midkasta wuxuu dalbanaya sawir sidaas ah; xaaskeygiina waxaay ku adkeysaneysa inaan looga fadhin inaay dhiibto sawirka ay rabaan.
Shaqaalihii hoose oo dhan waa diideen inaay dalabka naga qabtaan haddii aanu lasocon sawirkaas. Waxaan ugalney mas’uulkoodii oo qof dumar aheyd. Waxay isku dayday inaay kuqanciso xaaskeyga inaay dhiibto sawirka laga rabo; gabadhiina waxaay iskudayeysa inaay marsiiso sawirkan… “Sow ma’aragtid sawirkeyga runta? Bal isu fiiri sawirka ku agyaala iyo wajigeyga. Waxa ugu muhiimsan waa in la’arko wajiga… timaha waxaa laga yaaba inaay isbadalaan. wajiga oo kali ah ayaa kufilan”. Naagtii mas’uulka aheydna waxay ku adkeysatey in nidaamka loo hogaansamo.
“Hadaba aniga mid aan kan aheyn masoo wado ee maxaa xal ah?” Ayey weydiisey naagtii mas’ulka aheyd. Waxay nagula talisey inaan aadno qofka ugu sareeya passporada wadanka oo dhan ee jooga Moscow, caasimada Russia. Halkii ayaan isaga soo baxney anagoo niyad xun oo karajo dhigney.
Inta ay isoo eegtey ayey tiri: “ Khaalid!, waxan aadeyna Moscow, magaratey?” “Maad naga siisid sawirka ay kaa rabaan… Ilaahey naguma kalifin waxaanan awoodin… Allah kacabsada inta aad awoodan baa layiri… arinta waa daruuro ee naga dhiib. Passportigada, dhowr qof oo shaqaale ah umba arkeysa haddiiba la’arko…kadibna guriga ayaad kudhex qarineysa ilaa uu hadana kadhaco markale…dhibka iyo mashaqada safarka maxaa keeney oo aan kadooneyna Moscow” Ayaan kucalaancaley. Hase ahaate waxba kama badalin mowqifkeedi ahaa in ayan siin sawirkeeda oo qaawan; waxaayna tiri: “Siin mayo sawirkeyga anigoo qaawan kadib markaan ogaadey diinta Allah ee dhabta”.MOSCOW
Maadama ay ku adkeysatey in lasafro ayaan isa siitaagney Moscow.Hotel intaan kireysaney ayaan ku dhaqaajiney xarunta passporada. Sidii hore silamid ah ayaan fooda isla galney; shaqaalahi hoose ayaa isu kaayo dhii-dhiibaya hadana marka ay ogaadeen inaan diidanahey sawir qaawan.
Ugu danbeyntiina ,waxaa naloo gudbiyey ninka ugu sareeyey laakiinse wuxuu noqdey kii ugu akhlaaqda xumaa ee nasoo mara intii aan soconey! Inta passportiga rog-rogey, kadibna kor usoo fiiriyey gabadhii ayuu kuyiri: “Maxaa noo cadeynaya inaad adiga leedahey passportigan?” isagoo kadonaya inaay wajiga marada kaqaado. Waxaay usheegtey in qofkasta oo dumar ahi uu wajigeeda arki karo haddii loo baahdo hubin; cilada jirtana ay tahey oo kali ah ayadoo hortiisa wajiga kufeydikarin.
Inta waraqihii iyo passportiga isku laabtey oo gashtey khanada hoose buu kuyiri: “Passport hore iyo mid dambe midna malihid ee iga baxa xafiiska!”Waxay bilowday inaay lahadasho bal inuu soo dabco; luuqada lagu wada hadlayo waa Russian oo waxba kama fahmayo! Waan xanaaqey waayo waxaan qabankaro ayaan garanwaayey.
Ninkiina wuxu isasoo taagey “Maya ilaa aad keentid sawirka aan rabno,waayo waa qaanunka dalka”.
Markii ay kudaashey ayey iska aamustey oo ay iska istaagtey! Xageeda ayaan fiiriyey, anigoo kacodsanaya inaay dhibka noo sahasho oo ay dhiibto waxa ay nimanka codsanayaan oo aaney nagu jaribin wuxuu Allah noo keenin. Goorman kadhamaneyna xafiisyada kuwareegooda. Ayana Isma waasho.. oo kali ah, waxay ku gaabsataa inuu Allah faraj keenidoono ee anaga nalaga rabo samir iyo Alle ka cabsi.
Doodii ayaa meel xun naga gaartey, mar waan ku xanaaqaa waxa ay nagu sameyneyso awgeed, marna waan unaxaa maadama ay Diinteeda dhowraneyso!
Waxaa nagu xanaaqey ninkii mas’uulka ahaa; wuxuuna naga dalbadey inaan kabaxno xafiiskiisa.
Hotelkii ayaan kusoo noqoney bal si’aan ugu fikirno talaabada xigta ee aan qaadi laheyn. Maqrib, cisho iyo casho yar kadib, madaxa ayaan dhulka yara dhigey si’aan uyaro nasto.
Qaybta (2)
Markay aragtey aniga oo sii seexanaya, ayaya badashay wajiga oo ay igu tiri, “Yaa Khalid… miyaad seexaneysaa?” Haa ayaan ku iri…ooooooo miyaadan daalneyn? Subxanallahi, saacada iyo duruufta adag ee aan kujirna miyaa laseexda. Waxaan mareynaa xaalad aad u’adag oo loo baahanyahey inaan magan galno Allah… istaag oo bari Ilaah!
Waan istaagey oo waxan tukadey wixii Allah ii sahley, kadibna waan istuurey. Laakiinse gabadhii way tukataa…. Tukataa.. tukataa. Markasta oo aan soo bararugaba, waxaan arkaa ayadoo utaagan salaad, sujuudsan, rukuucsan, ama duceysaneysa, ayadoo ilmayneysa ilaa uu Fajriga kadhashey oo ay itoosisey ayadoo leh: “Istaag, salaadii waa lagaarey… aan wada tukano”Markii ay qorraxda soo baxdey ayey igu tiri: “Nakeen waxaan aadeyna xarunta passaporada”
“Xarunta passporada? Maxaan la’aadna? Aawey sawiradii nalaga doonayey? Sawir masidno, maxaan kadoona” Ayaan kucadaabey. “Aanu aadno oo iska soo fiirino waa intaas oo aan kheyr lakulanaye… haka quusan rahmada Allah” Ayey igu tiri, ayadoo kamuuqato kalsooni iyo daganaasho aniga aan igu jirin.
Waxaan isasii taagney xaruntii passaporada. Islamarkiiba waxay garteen xaaskeyga xijaabka; misna midkale ayaa halkaas kasoo qaylinaya oo leh: “Ma adiga lagudhahaa hebla?” “Haa waa aniga! Maxaa dhacay?”
“Hoo passaporkada” Ayey kutiri. Cajiib, waaba diyaar oo waxaa kudhagan sawirkeeda ayadoo xijaabkeeda xiran! Intay aad iyo aad ufaraxdey oo ay isoo eegtey bay tiri: “Fiiri… sow kuma oran, qofkii Allah kabaqa, wuxu ufaraya faraj”
Markii aan islaheyn aad baxdaan ayey naag meesha kashaqeyneysay nagu tiri: “Waa inaad sii martaan magaaladiinii si’aad ugu sii dhufataan shaabad”.Madaama ay qasab noqotey inaan dib ugu noqono meeshii ay kudhalatey waa lagama maarman in lasoo siyaarto waalidkeed iy owalaalaheed.Safarkii ciqaabta.
Waxaan aadney gurigoodii, waxaan garaacney albaabka. Guriga waxaa kamuuqato wax la’aanta dadka meesha dagan. Walaalkeed ayaa albaabka naga furey.Wuxuu ahaa wiil muruqyo w/weyn. Aragtida walaalkeed ayey lafaraxdey ayadoo wajiga iska feydey una dhoola cadeyneyso. Laakinse,walaalkeed wuxuu kusuganyahey xaalado kala duwan, dhan wuxuu kufaraxsanyahey walaashiis oo soo noqotey maadama ay bad qabto, dhana wuxuu layabanyahey dharka madow ee ay qabto ee jirkeeda oo dhan qariyey.
Guriga ayey horey ugashey ayadoo garabka haysata walaalkeed; anigiina inta kasoo daba galey ayaan iska fariistey qolka fadhiga.
Gudaha ayey usii gudubtey. Waxan maqla ayagoo kuwada hadlaya afka Russsianka oo sida marar badan iqabsateyba aan waxba ka fahmaynin. Waxaanse sii maqlaya inuu hadalkii sii kulalaanayo iyo cod sii khafiifaya… mise ayagoo dhan waxaay isugu tageen oo ay kuqaylinayaan gabadhii oo ayana isku dayeysa inaay isdifaacdo. Waxaay kujirtaa kan ujawaab… kaas ujawaab kujirta. Waxaan dareemey inaay meeshan shar food leedahey laakiinse waxan hubo wali mahayo mar hadaanan luuqada fahmeynin amase aanan ujeedin waxa ay sameynayaan.
Haddii aan waxyar joogay; waxaan maqley hunu-hunu iyo dad kusoo abaaran qolkii aan kujirey, mise, sedex wiil ayaa soo gashey oo uu hor socdo nin dhex-dhexaad ah. Waxaan uqaatey markii hore inaay uyimaadeen inaay isoo dhaweynayaan, maadama aan aheyn walaashood ninka qabey.
Hal mar ayey igu soo boodeen sidii bahalka oo kale! Soo dhaweyntii waxaay isu badashey feer iyo laad.
Waxan bilaabey inaan isdifaaco anigoo dhana qaylo afka furtey ilaa aan ka tabar dhigey oo aan umaleeyey gurigan dhexdiisa inaay tahey meeshii aduunyo iigu danbeysey! Laadkii iyo feerkii ayaa igu socda anigoo hadba maciinsada dhankale ee jirka markan dhan kadaalo.
Waxaan isha laraacey albabkii aan kasoo galey, anigoo dhana isdifaacaya. Ishayda waxaay kudhacday albabkii, inta istaagey ayaan orad isasii daayey ayagoo idaba ordaya ayaan iskala baxney iridka guriga.Waxaan kagaga dhexdhuuntey dadka suuqa marayey.
Markii aan ogaadey inaay iga hareen , ayaan afka saarey hotelkii aan daganeyn oo aan sidaas ugu sii fogeyn meesha.
Afka , sanka iyo wajiga oo dhan waxaa iga da’aya dhiig. Dharkii hasheegin. Dhiigii ayaan iska dhaqay. Allah ayaana kumahadiyey iga soo badbaadiyey wuxuushtaas.
Anigii badbaadayey tallow maxaa kudhacay gabadhii! Malagayaaba inaay kudhaceen waxa igu dhacey mise! Sawirkeeda ayaa isoo hor istaaga ayadoo isoo eegeysa. Anigoo nin ah ayaa udul qaadanwayey ee kawaran ayadoo dumar ah… Macquul inaay udhimatey.
Malaha waa markii isu kaayo danbeysay!
Waxa igu soo xaadirey waswaas iyo cabsi. Waxaan kabaqey inaay dib ugu noqoto diinteedii hore! Maxaan sameeya? Xageen kabilaabaa? Waxaa intaas iiga daran nafteyda oo aan wali amin aheyn; wadamadan haddii lagu dilo cidi kuma ogaaneyso oo naftu qeymo kamalaha! Waxaa macquul ah inaay iga adeejiyaan qofkale.
Qolkii ayaan isku soo xirey ilaa uu waaga kabaryey anigoo argagaxsan.
Dharka inta iska badaley ayaan ubaxay bal inaan soo xansado xaaladeeda meeshii ay kudanbeysey. Inta fariistey meel kafog guriga ayaan halkaas ka eegay waxa kadhaca guriga iyo agagaarkiisa haseyeeshe albabka lama furo. Waxaan sugaba; albabkii ayaa furmey. Waxaa kasoo baxey saddex dhalinyaro oo aan umaleynayo kuwii igaraacey. Markaan fiiriyey waxaay iila muuqdeen inaay shaqo tageen.
Halkii ayaan waardiyo kahayey anigoo kurajo weyn inaan mar uun arkidoona wajigeeda haseyeshe kuma guuleysan oo raggii shaqada aadey ayaa soo laabtey anigoo meeshii fadhiya. Markaan daaley; waxna waayey ayaan kulaabtey hotelkii.
Maalintii labaad iyo sedexaad ayaan isaga dabo laabtay oo markastana waxaan soo laabta anigoo soo hungoobey. Waxaan malaheyga ubadiyey inaay dhimatey laakiinse guriga kuma arko dhaq-dhaqaaq u eg meel meyd yaalo; ama dad ayaa u imaanlahaa tacsiyo ahaan! Waxan nafta ugu sheekeeyay markale inaay nooshahey oo aan lakulmi doona mar dhow.
Maalintii afarad ayey hadana ii cuntimi weydey inaan iska dhexfadhiyo hotelka. Waxaan aadey meeshii aan waardiyaha kaqaban jirey. Markii ay aabahood iyo walaalihii aadeen shaqo ayaan sidii caadada ii aheyd kadhursugey waxaay maalinta kudhamato.
Albabka ayaa sikadis ah kufurmey, mise waxaa kamuuqda wajiga xaaskeyga oo eegeysa bixid iy midig. Sifiican ayaan wajigeeda usii fiiriyey mise waa meel bararsan iyo meel jaban, dharkeedii waa wada dhiig. Inta aan usoo dhawadey ayaan sifiican ufiiriyey mise dhiig ayaa kadaadanaya meel kasta oo jirkeeda ah! Dharkeeda cad-cad ayuu ukala jeexanyahey inyar oo ay isku asturta mooye. Lugaha waxaa kaga xiran sil-silad, gacmahana gadaal ayey uxiranyihiin. Inta aan is-heyn waayey oo aan ooyey ayaan hadana ugu yeerey meel fog!
Waxaay igu tiri ayadoo qarineyso dhibkeeda oo hadalka dhibaya: “Ya Khalid dhageyso.. waxba ha argagixin… anigu diinta Allah ayaan kusuganahey… Allah ayaan kudhaarte waxa igu dhacaya uma dhigmaan 10 meelod halmeel wixii kudhacay Asxaabta Nabiga S.A.Wasalim… waxaan kaa rajeynayaa Khalid inaadan nasoo dhexgalin aniga iyo qoyskanaga….dhakhso oo meesha isaga bax…igu sug qolka ilaa aan kaga imanayo insha’Allah… waxaan kaa codsanaya inaad ducada badisa iyo qiyaamu leylka”
Sidii ay iga codsateyba waan isaga baxay meesha anigoo aad iyo aad utiiranyeysan. Maalintii oo dhan ayaan qolka dhex fadhiyey oo aan sugayey bal inaay timaado mar’un…maalin labaad iyo sedexaad ayan kawardhowrayey.
Albabka ayaa lasoo garaacey! Waxaan ka argagaxey cida albaabka soo garaacdey! Waa kuma cida saacada albabka soo garaaceysa! Waxaa lagayaabaa inaay reerkooda soo ogaadeen hotelka aan kujira oo uyimadeen inaay idilaan. Waxaa igu soo dagey cabsi sidii anigoo geeri ihayso. Waxaan kucelceliya: “Waa kuma cida albabka garaaceyso?”
Codyar ayaa igu yiri “Fur albabka waxaan ahey fulaana” Cabsidii iheysey ayaa isu badashey farxad, qolkiina wuxuu noqdey wax lagu shidey nuur. Albabka ayaan kafurey, waxaayna soo gashey ayadoo kusugan xaalad murugo leh. Waxay igu tiri: “Dhaqso… ina keen waanu baxeynaa” Ma adigoo sidaan ah. “Haa ee nakeen” Ayey iigu jawaabtey. Boorsadeeda ayey dhar kala soo baxdey xijaab iyo cibaayo dheeraad aheyd , alaabtii ayaan xiranay,waxaan kudhacney taxi. Waxaay kudhax suuxtey taxiga dhaxdiisa daal iyo xanuun dartiis.
Markaan taxiga soo fuulney ayaan darawalka taxiga ku iri af Ruush: “Garoonka, fadlan” laakinse waa igu khilaaftey oo waxay soo jeedisey inaan aadno magaalo kale. Markii aan weydiiyeyna sababtana , waxay ii sheegtey in nalugu raad taaganyahey oo ay naga raadinayaan garoonka; waxaan aadeynaa magaalo kale oo aan kunasano dhowr maalmood ilaa ay kanoogayaan raadinteena; markaas ayaan magaalo kale oo garoon international leh kaduuleyna.
Sidii ay soo jeedisey ayaan aadney tuuladii, oo aan kunasaney dhowr bari, kadibna kasoo duulney.
Markaan hotelka joognay ayaan kasiibey dharka misna waa timo rif-rifan, jir googo’an, daan dhinac jaban iyo bishimaha oo ay fuuleen qolof cagaar ah cadaabka loo gaystey dartiis.
Maxaa dhacay intii ay guriga kuxirneyd; waa tan ayadoo nooga sheekeyneysa, waxaay tiri:
“Markii aan galney guriga waxaan agfariistey qoyska oo wada fadhiya, waxaayna iweydiyeen waxa aan xiranahey(xijaabka); waxana usheegey inuu yahey dharka Islamka. Muxuu yahey ninkan? Waa ninkeygii, anigana waan muslimey. Macquul ma’ah… madhicikarto!
Waxaan kacodsadey inaan ugu sheekeeyo qisada aan kumuslimey,waana usheegey wixii uu igu sameeyey ninkii Russianka ahaa ee doonayey inuu iga dhigo dumarka jirkooda iibiya, iyo sida aad ii caawiseen, anigoo karajeynayey inaay iga garwaaqsadaan. Waxaay igu yirahdeen inaad dhilo jirkeeda kashaqeysa noo timado ayaa kajeclaan laheyn inaad nootimaado adigoo muslimad ah. Kadib waxay ii sheegeen in aanan guriga kabaxeyn ilaa anigoo noqda Orthodax ama meyd ah. Marka intaas lamarayo ayey igu soo boodeen hal mar ah oo ay cad-cad ii qaadeen.
Kadibna, adiga ayaa lagu soo aadey. Waan maqlaayey markii lagu garaacayey oo aad gargaar dalbeysay. Waxba kuuma qabankarin oo garbaduub ayaa layxirey. Markii aad cararteyna, inta ay igu soo noqdeen ayey cay iila soo fariisteen. Intaas kadibna, silsilad ayey soo iibsadeen oo ay igu xireen ilaa uu jirka igoogo’ay. Waxaa intaas ii dheeraa ayagoo igu garaacaya shaabuug, waxaasna waa ulihii laygu dhuftey ee aad ujeedid.
Maalinkasta ciqaabta waxaay ii bilaabata casarka ilaa inta laga seexanayo.
Subixi walaalahey iyo aabaheyba waxay jiraan shaqada; hooyadey waxaay isaga jirtaa qolkeeda. Waxaa ila jooga gabar iga yar oo 15 jir ah, inta ay ii timaado ayey igu jees-jeesta , waana waqtiga kali ah ee aan kanasto garaacista. Ma irumeysanaysa Khalidow, sida ay ii garaacayaan ayaan miir daboolmaa oo aan kuseexdaa. Waxaay iga rabeen oo kali ah inaan kalaabto diinta Islaamka, anigana waan kadiiday.
Gabadhii walaashey aheyd ayaa arintii layaabtey, diinta aan sidaas ugu dhaganahey.
Maxaad ugu tagaysaa diintaada, diinta hooyadaa, aabaha iyo walaalahaa? Maxay yihiin waxa kugu dhacay?
Waxaan bilaabey inaan usharxo waxay diintaan tahey. Waxaan usheegey inaay diintan tahey diinta saxa ah. Sharaxaad dheer kadib,Waxaay muujisay inaay kuqanacsantahey diinta Islamka.
Waxayba ileedahey adiga ayaa xaqa kutaagan … diintan waa diinta aniga lafteyda aan ubaahanahey inaan galo, kadibna waxaay ii sheegtey inaay icaawindoonta haddii aan ubaahanahey, maadaama ay fahantey inaan xaqa kutaaganahey.
Haddii aad dooneysid inaad icaawisid, igu caawi inaan lakulmo ninkeyga, ayaan ku iri.
Guriga korkiisa ayey fuushey oo ay kor kaa aragtey… waxay ii sheegtey inaay ujeedo nin sidaas iyo sidaas ah (aydoo kutilmameysa).
Haa waa isaga ee haddii aad aragtid, albabka iga fur si’aan ulahadlo! Xaqiiqatana way ii samaysey oo waa tii ay albabka iga furtey oo aan kula hadley; haseyeeshe kuma raaci karin oo lugaha iyo gacmaha ayaan kaxirnaa, furaha silsiladana waxaa haya walaalkey. Sil-silid kalana waxaa laygula xiray tiirka guriga si’aanan ubixin; furaheedana waxaa loo dhiibay walaashey si’ay iiga furto markaan ubaahdo musqul.
Markii aan kuu soo baxay ee aan kaa dalbaday inaad isugtid ilaa aan kaaga soo baxaya, waan xirxirnaa; walaasheyna waxaan rabey inaan Islaamka kuqanciyo; waana muslintey, Al-Xamadulillahi. Waxaay go’aansatey inaay kudhaqaaqdo naftii hurnimo kadaran teyda; waxay damacdey inaay igu caawiso inaan kafakado meesha laakinse furayaasha silsiladaha lugaha iiga xiran waxaa haysta walaalkey, aad ayuuna ugu foojiganyahey inuu qofkale udhiibo.
Maalintaas ayey walaashey udiyaarisey walaalahey Khamri xoog badan oo ay kuwada sarqaameen. Sida ay ucabayeen, ayey gaareen xaalad ay waxba kala saarikarin. Furaha ayey kasoo bixisay walaalkey jeebkiisa, kadibna iga furtay, sidaas ayaan kuugu imid anigoo guure ah”
“Oo walaashana, maxaa kudhici doona?” Ayaan weydiyey. “Waxba haka walwalin, waxaan kacodsaday inaay islaamnimadeeda qarsato inta aan howlaheeda usoo dhameyneyno” Ayey iigu laab qaboojisay.
Habeynkaas iyo habeynkii kuxigay ayaan saaxaney, kadibna waxaan usoo duulney wadanka nagii. Markii aan garoonka kasoo degneyna waxaan geeyey dhakhtarka oo ay jiiftey dhowr m/mood.
Al-Xamdulillahi, waa nakan maanta ubaryeyna Allah inuu walaasheed diinta kusugo.
-dhammaad-
Isha sheekadan: Qisas mu’atharah(shariid),by Ibrahim Al-Farisi.
Turjume: Adam Abuzuhri Al-Hassani.
Asalaamucaleykum: